Aljeeriya oo doorasho loo dareeray

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Haween ku jira saf si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada madaxtinimada ee Aljeeriya

Cod bixiyayaasha waddanka Aljeeriya ayaa saaka codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan lix musharax.

Madaxweynaha hadda xilka haya, Cabdulcasiis Bouteflika, ayaa la rumaysan yahay in uu ku guuleysan karo, in kasta oo uu kasoo kabsanayo dhiig ku dhuftay laba sano ka hor.

Caafimaadka madaxweyne Bouteflika, iyo in uu dalka sii xukumi karo haddii dib loo soo doorto ayaa ah arrin si weyn looga dooday ka hor doorashada maanta.

Bouteflika, ayaa xukunka Aljeeriya hayay 15-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu muddooyinkii dambe ka maqnaa indhaha dadweynaha, iyada oo shakhsiyaad uu u wakiishay in ay u ololeeyaan.

Musharaxiinta kale ayaa si xowli ah u ololeynayay, balse midkoodna uma muuqdo in uu ku guuleysan doono doorashada maanta dhacaysa.

Xisbiyada Islaamiyiinta ah ayaa qaadacay doorashada, waxaana shacbiyad badan ka helay barta bulshada ay kuwada xiriirto ee facebook, xisbi mucaraad ah oo cusub, kaasoo la magac baxay "enough".

Aljeeriya ayaa qani ku ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, balse dagaal sokeeye oo dalkaasi ka dhacay sagaashameeyadii ayaa raad xun ku yeeshay ammaanka qaran, waxaana ay taasi saameysay isbedelka siyaasadeed iyo kan horumarka dhaqaale ee waddankaasi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan