Gabdho ka soo badbaaday Boko Haram

Image caption Iskuulka laga afduubtay gabdhaha.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Borno ee dalka Nigeria ayaa sheegay in 14 gabdhood oo hor leh ay ku guulaysteen in ay ka soo baxsadaan gacanta islaamiyiinta mayalka adag ee habeenimadii isniinta ahayd qafaashay gabshahaasi ardayda ah.

Musa Inuwo Kubo ayaa sheegay in 44 gabdhood ay haatan ka soo baxsadeen kooxihii afduubka u haystay, isla markaana 85 kale wali la la’yahay. Balse waalindiinta gabdhahani ayaa muujinaya in tiro intaasi kabadan ay wali maqan yihiin.

Xoogagga ammaanka, kooxo iskood isku soo abaabulay oo ka shaqeeya dhanka ammaanka iyo xubnaha qoysaska gabdhaha maqan ayaa wali wada baadigoobka ay ugu jiraan gabdhahaasi.

Gabdhahaasi ayaa la rumeysan yahay in ay ka-xaysteen islaamiyiinta kooxda Boko Haram.

Weriya ka tirsan BBC-da oo ku sugan dalka Nigeria ayaa sheegaya in ka hor kooxadani Boko Haram, gabdhuhu la qafaalan jiray dalkaasi Nigeria balse aysan wali dhicin in la qafaasho tiro intaa dhan.

Dagaalyahanada Boko Haram ayaa ka horimaadsan waxbarashada madaniga ah waxa ayna doonayaan in dalkaasi ay ka dhisaan maamul islaami ah.