Shirweynaha Ammaanka ee Muqdisho

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ciidammada ammaanka Soomaaliya oo jooga banaanka hore ee Tiyaartarka Muqisho.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweyne looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya.

Shirweynahan ayey dowladdu ku sheegtay in looga gol leeyahay sidii lagu heli lahaa istiraatiijiyad amni oo damaanad qaada in la helo xasilooni iyo nabad waarta iyo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hay'adaha aminga iyo ciidamada Soomaaliya.

Furitaanka shirweynaha qaran ee amniga Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dawladda federaalka, wakiilo ka socda beesha caalamka, ergooyin ka socday maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay furitaan shirweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha dhinaca amniga ah ee ay dawladdiisu wajahayso, wuxuuna sheegay in caqabadahaasi aanay ku koobneyn oo kaliya kuwa ka imanaya Al-shabaab balse ay jiraan buu yiri kuwo gacal ayey isaga kaa dhigaya laakiin dibin daabyadaada ka shaqeynaya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay, in qabyaaladu ay loolan adag ku tahay xalinta guud ahaan mushkiladda ka jirta Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amniga.

Shirweyanaha ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, ergadana waxa la filayaa inay keenaan xeelado wax looga qabto amini xumida ka jirta Soomaaliya, taasoo ay shegeen madaxda dawladda federaalku inay dhaqan gelin doonaan si loo helo xasilooni iyo dagaanaansho.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan