Shaqaalaha markabkii degay oo la dhaliilay

Image caption Ehelada rakaabkii saarnaa markabka oo murugaysan.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hy ayaa si weyn u dhaliishay kabtanka iyo shaqaalaha kale ee markabkii degay maalintii arbacada ahayd, kuwaasi oo ay sheegtay in ay dayaceen dadkii saarnaa markabka.

Waxa ay habdhaqankooda ku tilmaantay mid gacan-ku-dhiiglenimo ah.

Madaxweyne Park ayaa sheegtay in habdhaqankooda aan marnaba loo dul qaadan karin.

Afar qof oo kale oo shaqaalaha markabkaasi ka tirsan ayaa xabsiga la dhigay, waxaana xariggooda uu ka dhigayaa tirada dadka la xiray toddobo qof oo uu ku jiro kabtanka markabka.

Kooxaha quusa biyaha hoostooda ayaa haatan gudaha markabkaasi ka soo saaray meydadka 64 qof. Ilaa iminka waxaa la la’yahay 240 qof oo kale.

Mas’uuliyiinta ayaa baaritaan ku haya boqollaal farriimo ah oo laga soo diray taleefoonada shaqaalaha iyo rakaabkii markabka saarnaa si ay u ogaadaan sida ay wax u dhaceen.

Macluumaad ku saabsan wadahadalkii ugu dambeeyay ee dhex maray ilaalada xeebaha Kuuriyada Koonfureed iyo shaqaalihii saarnaa markabka ayaa muujinaya argagax iyo jahawareer ka jiray gudaha markabka.