Madaxweyne ku xigeenka USA oo booqanayo Ukraine

Jose Baiden Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Baiden ayaa booqanayo Ukraine

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Baiden ayaa kulan la yeelan doono madaxda KMG ee Ukraine.

Waxaa uu taageero u muujinayaa dowladda reer-galbeedka u janjeerta ee Kiev.

Ruushka iyo Maraykanka ayaa midba midka kale ku eedeynayo inuu mas'uul ka yahay qalalaasaha ka taagan dalkaas.

Arrintan ayaa timid kaddib markii wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry iyo dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov ay telefoonka ku wada hadleen.

Dhinaca kale, bariga Ukraine waxaa laisu diyaarinayaa aaska saddex ruux oo la dilay maalintii Axadda.

Dablay taageersan Ruushka

Waxay ku dhinteen weerar lagu qaaday bar kontrool oo ay maammulayeen dablay taageersan Ruushka.

Ilaa haatan ma caddo siday ku dhinteen. Dadka gooni u goosdadka ee tageersan Ruushka ayaa weerarka ku eedeyay kooxaha midigta ee taageersan dowladda Kiev.

Dowladda Ukraine ayaa weerarka ku tilmaantay gardarro ay ku dhaqaaqday dowladda Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa ku eedeeyay dowladda KMG ee Kiev inay ka baxday heshiiskii Geneva lagu gaaray ee la doonayay in lagu xalliyo qalalaasaha Ukraine.

Mas'uuliyiinta dowladda Ukraine ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay hadalka ka soo yeeray Lavrov, oo iyagu ay aaminsan yihiin in Ruushku mas'uul ka yahay qaska ka taagan dalkaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan