Rabshado ka dhacay Brazil

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption ciidamo dhex wareegayo xaafadaha caasimadda Rio ee dalka Brazil

Sawiro laga baahiyey helcoptaro lagu rakibay qalabka televishenka ayaa soo bandhigay ugu yaraan laba wado oo ka mid ah wadooyinka caasimada Rio oo ay rabshado ka socdaan.

Wadooyinkaasi waxaa isku baacsanaya booliska iyo dibed baxayaal, arrintaas oo sababtay in baabuurta laga xayiro xeebaha caanka ah ee Copacabana si markaas loo joojiyo rabshadaha.

Waxa marar qaar la maqlayey dhawaqa qoriyaha waaweyn oo ka imaanaya xaafadaha isku raranta ah iyo baabuuro dab la qabadsiiyey, xilli dadka xafadahaasi kunool ay haystay koronto la'aan.

Mushkilada ayaa waxa sababay dilka nin 26 jir ah, kaasi oo sida ay sheegeen reerkisa jirkiisu uu ay yaaleen dhaawacyo, waxeyna ku eedeeyeen booliska in ay jir dil u geysteen ninkaasi.

Waxa la sheegayaa in boolisku ay u maleeyeen in uu qeyb ka ahaa burcada ka gannacsata mukhadaraadka.

Dad badan oo ka caraysan dilka ninkaas ayaa isugu so baxay irida hore ee xaafada isku raranta ah oo aan ka dheereyn xeebaha caanka ah ee loo dalxiis tago.

Lahaanshaha sawirka GETTY
Image caption Xaafadaha Isku raranka ah ee dalka Brazil oo rabshado ay ka taagan yihiin

Militariga ayaa halkaasi gaaray iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in la weeraray xarunta booliska ee ku dhax taala xaafadaasi isku raranta ah.

Xaafaddan waxay ka mid tahay xaafaddaha ay boolisku doonayeen inay ka nadiificaan burcada oo ay ka saaraan kooxaah sida xooggan u hubaysan ee ka beecmushtara mukhadaraadka.

Balse iyadoo la isu diyaarinayo in Brazil marti geliso tartanka kubacada cagta ee dunida ayaa boolisku waxay BBC-da u sheegeen in aanay ku guulaysan barnaamijkan lagu saarayo burcada.

Waxa dib u soo laabnaya kooxaha ka gannacsada maandooriyayaasha oo la wareegayo qeybo ka mid ah caasimadda.

Booliskuna waxa lagu eedeynayaa in ay durbadiiba xoog kala hortagayaan dibed baxayaasha si ay u joojiyaan rabshadaha.