Qasaaraha dagaal ka dhacay Ukraine

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka Ukraine oo dagaal la galay meleteriga dalkaasi

kuwa badan oo ka mid ahaa mucradka taageersan Ruushka ayaa la dilay, lana dhaawacay oo laxiray kadib howlgal ay bariga dalka Ukraine ka sameeyeen ciidamada meleteriga.

waxa ay howgalka ka fuliyeen magaalada Sloviansk, oo ah meesha ay dadka ugu badan ku dhinteen sida uu sheegay madaxweynaha ku meel gaarka ee dalka Ukraine Oleksandr Turchynov.

Balse, war qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in dhulka ay mucaaradka haystaan uusan howlgalka uga socon sidii la filayay, kadib markii ay iska caabin kala kulmeen mucaaradka.

Saaka, laba Duuliye ka mid ah duuliyayaasha meleteriga ayaa lagu dilay howlgallo military oo ka dhacay magaaladda Slavyansk ee dalka Ukraine.

Ciidanka dowladda Ukraine ayaa howlgallo bilaaway oo lagula dagaalayo kooxo ay dowladda ku sheegtay inay yihiin argagixiso ee ah kuwa gooni u goosad ka ah ee taageersan Ruush-ka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Ukraine Arsen Avakov ayaa sheegay in beylot helikobtar ladilay, 9 qof oo kalana la daawacay.

sagaal xaruun oo jidgooyooyin ay dhigtenayaa mucaaradka lagala wareegay, sida wasiirka uu sheegay.

Hasayeeshee, kooxda goosadka ee ku sugnaa saddex xarun kutaalla magalaada Slavyansk ayaa BBC-da usheegay in ay wali xukumaan xarumahaasi.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption magaalada Slovakian oo maanta uu dagaal ka dhacay

Dabley ayaa xabadeeyay laba beylot oo ah kuwa duuliya helicobtarada ciidanka, waxaana kooxdaasi ay qabteen mid kamid ah duuliyayaashaasi.

Dagaalka ayaa u muuqday inuu badan kiisa ka dhacayay dhinacyada magaaladda Slavyansk.

Slavyansk waa meesha ay ku xoog badan yihiin kooxaha taageero Ruushka ee doonaya inay ka go’aan Ukraine, kuwaas oo maamulkooda ku sii ballaaranayo gobollada ku dhow xuduudda Ruushka iyo Ukraine.

Maalintii Khamiista, wasiirka arrimaha gudaha ee Ruushka ayaa ka digay in hadii ciidamadda Ukraine ay wax dhib ka geystaan gobolkaasi ay dhibaatooyin weyn dhicidoonaan, taasoo xukuumadda Mowcow ku qasbi karto inay tallaabo qaado.