Doon ku gadoontay Libya

Masuuliyiinta Libya ayaa sheegay inay ka dhex heleen labaatan iyo afar mayd doon ku gadoontay baddeeda toddobaadkii hore.

Waxaa la ogyahay ilaa hadda in ilaa soddon iyo lix qof ay ku dhinteen shilka walina ay maqan yihiin afartan qof.

Dad badan oo ka yimid Afrika, Suuriya iyo waddamo kale ayaa ka gudba badda madetareniyanka iyagoo u socda Yurub.

Madaxa ciidamada badda ee Libiya ayaa sheegay in kooxo danbiilayaal ah ay isticmaalayaan doonyo qatar ah iyagoo lacag ka qaadaya dadka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Libya ayaa ku hanjabay inuu dadka ka caawin doono inay doonyaha soo raacaan, haddii Midowga Yurub aysan ka caawin Libya dadka sharci darada ee soo maraya waddankooda.