Sanad kaddib xaaladda deg degga ee Nigeria

Jonathan
Image caption Sanad ayaa laga soo wareegay markii madaxweynaha Nigeria uu xaalad deg deg ah soo rogay

Markii madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan uu sedex gobol oo ku yaala waqooyiga bari ee dalka Nigeria ka dhaqan-geliyey xaaladda deg deg ah, waxa uu sheegay in militariga dalkaas uu qaadi doono tallaabo kasta oo muhiim ah si loo soo afjaro kacdoonka iyo falalka argagixiso.

Balse tirada dhimashada ee sida aadka ah u kordhaysay ayaa waxay muujinaysaa sawir ka gedisan kan uu madaxweynuhu muujiyey. Waana sawir xun.

Sannad ka dib markii amarkaas la bixiyey, Boko Xaraam waxay dishay ku dhowaad 2500 oo qof.

Tiradaas waxayka badan tahay ku dhowaad laba jabaar tiradii la dilay sannadkii ka sii horeeyey.

Inkastoo ay dowladda ku soo rogtay bandow isla markaasna ay xiriirkii telefoonada ka jartay, ayaa degaanada ku yaalla gobollada waqooyiga bari waxa ka dhacay weeraro soo noqnoqday oo ay fulinayeen kooxo si aad ah u hubaysan.

Dhowaana, kacdoonka waxaa uuba ku fiday degaano kale waxaana la xusi karaa qaraxii laga sameyey xarunta basaska ee duleedka Abuja.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ururka Boko Xaraam waxay dileen 2500 oo ruux tan iyo markii la soo rogay xaaladda deg degga.

Weerarkaasih waxa ku naf waaye in ka badan 70 qof.

Saameynta ay reebeen weerarradan waxa sidoo kale laga dareemi karaa sida dadka ee ka qaxay guryahooda.

In ka badan 250,000 oo ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ka barakaceen guryahooda sida laga soo xigtay dhowr hay'adood oo kuwa aan dowliga ahayn ah.

Boqolkiiba 60 dadkan waxay u baxsadeen dalalka deriska ah, gaar ahaan Niger, Cameroon, iyo Chad.

Magaca Boko Xaraam ayaa micnihiisu yahay “waxbarashada reer galbeedka waa xaaraan”.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boko Xaraam ayaa soo bandhigay video ay ka muqdaan gabdhaha la afduubay

Dhibaatada ka dhalatay afduubka in ka badan 200 ee gabdhood ee bishii hore ay kooxdu gaysteen, ayaa soo jiidatay indhaha caalamka.

Balse afduubkaasi waxa uu ugu dambeeyey weerarro is xig xigay oo ay kooxda Boko Xaraan ku qaaday xarumaha dugsiyadda ee dalkaasi nigeria sannadkii la soo dhaafay.

In ka badan 150 xaruumood oo kuwa wax lagu barta ah ayay kooxdani burburisay tan iyo markii la dhaqan-geliyey xaalada deg degga ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan