Gabar diinta ka baxday oo dil lagu xukumay Sudan

Lahaanshaha sawirka AFP

Maxkamad kutaala dalka suudan ayaa xukuntay haweenay Kadib markii ay ka baxday diin-ta islaamka.

"Waxan ku siinay Saddex maalmood si aad diintaada ugu soo laabatid, laakiin waad diiday in aad ku soo laabatid Islaanimda, sidaas darteed waxaan kugu xukunay in lagu daldalo," xaakinka ayaa ku dhawaaqay, siday ka soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

safaaradaha reer galbeedka iyo hay'adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa waxay Sudan ugu baaqeen in ay qiimeeyaan xuquuqda haweenaydan uurka leh si ay qaadato diinta ay rabto.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in aan haweenaydan la xukumi Karin inta ay kadhalayso isla markaana uu ilmaheedu labo sano ka gaarayo

Dadka Sudan inta badan waa muslimiin waxaana lagu maamulaa shareecada Islamka .

Hay'ada udooda xuquuqda aadamaha ee Amnesty Internationala ayaa waxay rumaysan tahay in ay Maryan tahay maxbuus loo ciqaabayo diinta ay rumaysan tahay.