Britain oo diyaarad u dirtay Nigeria

Britain ayaa u dirtay Nigeria diyaarad wax baarta, si ay u caawiso raadinta in kabadan laba boqol oo gabdho iskuul laga afduubay bil ka hor.

Maraykanka iyo waddamo kale ayaa Nigeria ka caawinaya sidii loo heli lahaa gabdhaha.

Afhayeenka dowladda Nigeria ayaa BBC u sheegay inaan la ogayn meesha ay joogaan gabdhaha.

Wariyaha BBC ee Nigeria, ayaa sheegaya in dad la socda howgalka raadinta ay sheegeen inay adag tahay in gabdhaha dhan la badbaadiyo.