Tobanaan ku dhintay laba qarax oo ka dhacay Jos

Lahaanshaha sawirka bb

Laba qarax ayaa ka dhacay magaalada Jos ee dalka Nigeria sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Ugu yaraan 46 qof ayaa wararku sheegayaa in ay ku dhinteen, iyadoo tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Weriye BBC ayaa sheegay in qaraxyadu ay ka dhaceen suuq mashquul badan.

Jos Waa caasimadda gobolka Plateau oo ku yaalla goobta loo bixiyay suunka dhexe ee dalka oo u dhaxeeya waqooyiga Muslimka ah iyo Koonfurta Masiixiga ah ee dalka Nigeria.

Jos ayaa bartanka u taagnayd isku dhacyo isir ku salaysan iyo kuwo diimeed muddo sanado ah.

Wararka wali waa isa soo tarayaan.