Dowladda Libya oo la ansixiyay

Baarlamaanka Libya ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada ee cusub toddobaad kadib markii niman hubaysan ay weerareen dhismaha Baarlamaanka.

Codaynta ayaa micnaheedu yahay in dowladda uu Ra'iisalwasaare u yahay Axmed Maitig, inay badali karto tii Cabdallah al Thinni, oo iscasilay bishii hore.

Tan iyo markaas, taliyaha hore ee Khalifa Hiftar, ayaa bilaabay weerar uu kula dagaalamayo maleeshiyiinta islaamiga oo doonaya inay xukunka wax ku lahaadaan.