Soomaaliya:Iscasilaada Wasiirka Amniga

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiirka Amniga ee Soomaalia Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xilka hayay labaatan bilood.

Wasiirka Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa iscasilay, kadib markii weerar ay Alshabaab ku qaaday shalay Baarlamaanka Soomaaliya. Weerarka ayaa waxaa ku dhintay shan iyo toban ruux, ilaa soddona ay ku dhaawacmeen.

Dhaawaca waxaa ku jira xildhibaanada Baarlamaanks. Wasiirka ayaa xilka haayay muddo labaatan bilood ah. Wuxuu sheegay, inuu qabtay howlo badan oo dhinaca amniga iyo xasiloonida iyadoo lagu jiro xaalada adag oo siyaasadeed, mid dhaqaale iyo qalab. Wuxuu sheegay inaysan awoodooda ku filnayn cadawga ay la dagaalamayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waydiistay wasiirka inuu iscasilo. Waxaa jira isbadalo lagu samaynayo hayadaha amniga ee dowladda, sida uu sheegay madaxweynaha.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbaysay weerarkii lagu qaaday Baarlamaanka.