Gabar dhagax lagu dilay dalka Pakistan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Booliska Pakistan ayaa sheegay inay weli ku raad joogaan dadka kale ee baxsaday

Haweeneyda waxaa jirdilay ehelkeeda dibadda maxkamadda sare ee magaalada Lahor ee dalka Pakistan.

Ehelada ayaa gabadha ku eedeeyay inay nin guursatay idan la’aantooda, sidaa darteedna ay dhagax ugu dileen..

Booliska ayaa sheegay in gabadha oo isku deyeysay inay gasho maxkamadda si loo dhageysto dacwadeeda.

balse, Aabaheeda, walaaleheeda iyo mid ka mid ah abtiyaasheeda ayaa ku bilaabay inay madaxa ka garaacaan oo dhulka ay ku jiidaan illaa ay ka dhimato.

Dhammaan kooxda looga shakisan yahay dilka ayaa baxsaday marka laga reebo aabaha dhalay gabadha oo hadda la xiray.

Dilka dumarka aan xushmeynin waalidkooda iyo ehelka xilliga guurka ayaa ahaa walaaca ugu weyn ee ay qabaan kooxaha u dooda xuquuqul insaanka dalka Pakistan xilli dheer.

Weriyayaasha ayaa sheegayo in dhaqan ahaan aan marnaba laga ogoleyn qeybo ka mid ah Pakistan in haweenku ay xushaan qofka ay rabaan.