Qoraa caan ah oo ku dhimatay Maraykanka

Lahaanshaha sawirka Getty

Qoraaga u dhalatay dalka Maraykanka, oo sidoo kale u ololayn jirtay xuquuqda bulshada, ahaydna aqoonyahad, Maya Angelou ayaa dhimatay iyadoo sideetan iyo lix sano jirta.

Buugeedii ugu horeeyay oo cinwaankiisu ahaa, 'waan garanayaa sababta shimbiraha la xanibo u heesaan', ayaa ka hadlayay xilligii ay qaangaartay oo ahaa waqti midab kala sooc uu dalku hareeyay.

Waxay si aan qaris ku jirin uga hadashay mar la kufsaday, iyo in aysan muddo lix sano ah hadlin markii la dilay ninkii kufsaday oo ay sheegtay.

Buugeeda ayaa noqday mid aad loo iibsaday.

Waxay ku dhalatay St Louis, Missouri dalka Maraykanka, waxayna noqotay haweenaydii ugu cod-karsanayd, waxaana ay la taliye u noqotay dhowr madaxwaynayaal Maraykanka soo mara.

Sanadkii 1993, waxay noqotay qoraagii labaad ee kaliya, ahna qoraagii ugu horeeyay ee madow oo gabay ka aqrisa caleemo saar madaxwayne.