Qarax ka dhacay Muqdisho

1 qof ayaa ku dhintay 2 kalana wey ku dahwacantay qarax caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa, waxa uu ka dhacay agagaarka hoteelka City Plaza ee degmada Cabdicasiis. Saraakiil ka tirsan hay'adaha amniga ee dawladda ayaa ku shirayay hoteelka marka uu qaraxa uu dhacyey.

Afhayeenka Baliiska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble ayaa BBC-da u sheegay in qofka dhintay uu ahaa sargaal ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in bartilmaameedku ahaa saraakiisha meesha ku shirayey. Qaraxa, waxaa loo adeegsaday gaari

Kooxda Shabaab, ayaa geysatay weerarro dhowr ah, oo lagu bartilmaameedsanyey xarumaha muhiimka ah iyo saraakiisha dawladda dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.