16 ku dhimatay Libya

Ugu yaraan lix iyo toban qof ayaa ku dhintay magaalada Benghazi kadib markii dagaal uu dhexmaray maleeshiyooyin islaami ah iyo xoogag daacad u ah general howlgab ah.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah tiro askarta dowladda ah.

Dagaalka ayaa qarxay saaka aroortii markii maleeshiyada xagjirka ah Ansar al-Sharia ay weerareen saldhig ciidan oo ay degan yihiin ciidamo daacad u ah Khalifa Haftar.

Jeneraalka, oo fadhigiisu yahay magaalada Benghazi ayaa bilaabay olole military bishii hore, isagoo ballanqaaday in uu ka guulaysanayo maleeshiyada.

Baarlamaanka Libya ee caasimadda Tripoli, ayaa todobaadki hore ay xoog ku galeen rag hubaysan oo daacad u ah Jeneraal Haftar.