Germanka oo baadhaya in la basaasay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hogaamiyaha German ka oo la sheegay in la dhagaystay taleefankeeda

Garyaqaanada dawladda German ka ayaa bilaabaya baadhitaan ku saabsan dhagaysigii la sheegay in la dhagaystay taleefanka hogaamiyahooda Angela Merkel, dhagaysigaas oo la sheegay in ay ku sameeyeen sirdoonka Maraykanka.

Sirtaas oo soo shaac baxday sanadkii hore waxaa ay wax u dhintay xidhiidhkii xukuumadaha Baarliin iyo Washington, baadhitaankaasina dublamaasiyad ahaan waxaa loo arki doonaa mid xasaasi ah.

Waa ficilkii u horeeyay ee rasmi ah ee ay kaga jawaabaan Jermanku, eedahaasi taleefan dhagaysiga ah ee uu soo bandhigay Edward Snowden oo horay ugu shaqayn jiray sirdoonka Maraykanka.

Dacwad oogaha Fadaraalka ayaa guddi baarlamaanka ka socda u sheegay in dacwado ay kusoo oogi doonaan shaqsiyaad aan lamagacaabin oo ku lugleh basaasidaas.