Kerry oo booqday Lubnaan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption doorashada Suuriya waa macno la'aan

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry oo booqasho aan lashaacinin ku jooga wadanka Lubnaan ayaa sheegay in doorashada Madaxwayne nimada ee Suuriya ay tahay macno la'aan.

Waxa uu sheegay in malaayiin qof aysan awoodin in ay codeeyaan, sanduuqyadii cod bixintuna aysan wax isbadal ah keenin.

Kerry waxaa uu sheegay in xaalada baniiaadminimo ee Suuriya in ay tahay mid kamid ah masiibooyinka ugu daran addunka.

Hay'addaha qaramada midoobay ee caawinaya qaxootiga Suuriyaanka ah ee jooga Lubnaan waxaa uu ugu deeqay lacag dheeri ah oo kudhaw saddex milyan oo doolar.