Maxaabiis ka baxsatay Koongo

Ugu yaraan 250 maxaabiis ah ayaa ka baxsaday xabsi ku yaal magaalada Bukavu ee bariga dalka Koongo.

Saraakiil ku sugan deegaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof la dilay oo mid uu yahay askari.

Dadka ku nool magaalada ayaa BBCda waxa ay u sheegeen in ay cabsanayaan oo ay isku qarinayaan guryaha.

Qof ka shaqeeya xafiiska duqa magaalada ayaa sheegay in askari ilaalinayay xabsiga uu isku dayay in uu xiro albaabka markii ay soo weerareen maxaabiista.

Markii dambe askarigaasi hubkaa laga dhigay oo waa la dilay.

Howlwadeenka ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo kale la dilay.

Weerarka ayaa dhacay saaka arooryadii, booliskana waxa ay magaalada ka baarayaan maxaabiistii ka baxsatay xabsiga.

Qof degan magaalada Bukavu, ayaa BBCda u sheegay in dadka ay walwalayaan, sababtuna waxa uu ku sheegay in qaar ka mid ah maxaabiista baxsatay ay wataan hub.

Maxaabiista ka fakata xabsiyada ayaa aad ugu badan waddanka Koongo, iyadoo wax ka yar muddo sanad ah ay ugu yaraan 240 maxaabiis ka baxsadeen magaalo kale oo ku taal bariga Koongo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan