Kooxda G7 oo u goodisay Ruushka

Lahaanshaha sawirka PA

Dhibaatada ka taagan waddanka Ukraine ayaa waxa ay hareysay maalinta koobaad ee shirka ay magaalada Brussels ku leeyihiin hogaamiyayaasha reer galbeedka.

Bayaan ay wadajir u soo saareen hogaamiyayaasha kooxda G7 ayaa lagu sheegay in farigalinta Ruushka uu ku hayo Ukraine ay tahay mid aan la aqbali karin, ayna tahay in uu joojiyo.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa si cad u sheegay in ay u diyaar garoobeen in ay cunaqabateeno dheeraad ah ay ku soo rogaan Moscow, haddii ay sii wado qaska iyo xasilooni darida ay ka wado bariga Ukraine.

Ruushka ayaanan ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka soo saarin arrinta.

Balse madaxweynaha Ruushka Putin, ayaa waxa uu u sheegay taleefishin laga leeyahay waddanka Faransiiska in uu diyaar u yahay in uu la kulmo madaxweynaha la doortay ee Ukraine, Petro Poroshenko, marka ay labada nin u tagaan waddanka Faransiiska dabayaaqada todobaadkan xaflado lagu xusayo 70 sano guuradii ka soo wareegatay maalinta loo yaqaan D-Day.

Hasayeeshee waxa uu sheegay in Mr Poroshenko, ay aheyd in ay dhab ka ahaato wadahadal uu la galo kooxaha bariga Ukraine.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan