Masar: Niman loo xiray fara xumayn haween

Image caption Dumar ka mudaaharaadaya faraxumaynta raga

Boliiska Masar ayaa xiray toddobo nin oo looga shakisan yahay inay fara xumeeyeen xafladii madaxweynaha Cabdul Fatax al Sisi uu xilka kula wareegay.

In kabadan labaatan dumar ayaa sheegay in lagu fara xumeeyay waqtigii dabaaldega fagaaraha Taxriir shalay.

Ilaalo kormeeraysay fagaaraha ayaa u sheegay BBC inay caawiyeen ugu yaraan shan dumar ah oo dad badan ay soo weerareen.

Toddobaakii hore dowladda Masar ayaa ka dhigtay danbi fara xumaynta dumarka iyadoo la xirayo shan sano oo xarig ah.