Hindiya oo ku dhawaaqday siyaasad cusub

Lahaanshaha sawirka pmindia.nic.in
Image caption Raii'salwasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa balanqaaday inuu hormarinayo dhaqaalaha waddanka.

Dowladda cusub ee Hindiya ayaa ku dhawaaqday barnaamij isbadallo dhaqaale lagu samaynayo.

Waxay balanqaaday siyaasad aan u dulqaadanayn xadgudubyada dumarka loo gaysto.

Barnaamijka oo lagu dhawaaqay hadal uu madaxweynaha Hindiya uu baarlamaanka ka jeediyay, ayuu balan qaaday inuu wax ka qabto sicir bararka, inuu dhiirigaliyo maalgashiga shisheeye, inuu dadajiyo waqtiga lagu diiwaan galiyo ganacsiga iyo in la fududeeyo canshuurta.

Wuxuu ku dhawaaqay qorshe lagu samaynayo boqol magaalo iyo in biyo, koronto iyo musqul uu helo qof walba sanadka markuu yahay 2022.