Tirinta codaynta Afghanistan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hooyo codkeeda dhiibatay.

Masuuliyiinta doorashada Afghanistan, ayaa waxay bilaabeen inay tiriyaan codbixinada kadib shalay wareegii labaad ee doorashada madaxweynenimada.

Taageerayaasha Cabdullah Cabdullah iyo Ashraf Ghani, ayaa labadaba sheeganaya in musharaxooda uu ku horeeyo tirada codadka.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in in kabadan konton qof la dilay waqtigii doorashada, oo ay ku jiraan shan qof oo kormeerayay doorashada oo ku dhintay Bomb jidka la dhigay.