Dagaal ka socda Benghazi

Dagaal ayaa wuxuu ka socdaa magaalaada Benghazi ee waqooyiga Libya kadib markii taliye ciidan oo hore uu weerarku qaaday maleeshiyo islaamiyiin.

Taangiyo ayaa lagu arkayay jidadka, waxaana la maqlayay qaraxyo maanta. Saldhig koronto ayaa la weeraray iyadoo keentay koronto la'aan.

Weerarka ayaa la sheegayaa inuu ahaa kii ugu xumaa tan iyo markii Jeneral Khalifa Hiftar uu bilaabay bishii hore weerar uu kula dagaalamayo islaamiyiin magaalada Benghazi.

Dowladda Libya ayaa sheegtay in jeneral Hiftar, uusan haysan amar uu ku dagaalamo, laakin waxaa ku biiray dhowr ciidamo.