Dad ku dhintay weerar kale oo ka dhacay Kenya

Kenya
Image caption Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarrada Kenya

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay qaadeen weerar labaad oo ka dhacay xeebta dalka kenya oo ay ku dhinteen 15 ruux.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Kooxo hubeysan ay dhowr tuulo weerar ku qaadeen habeenkii xalay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in khadkii telefoonka la damiyay weerarka ka hor.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii weerar kale oo ka dhacay magaalada Mpeketoni oo ay ku dhinteen 48 ruux.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in kooxda weerarka qaadday ay gubeen dhismayaal ay ka mid yihiin dhowr hoteel.

Al-Shabaab waxay Kenya ku qaaday weeraro xiriir ah tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya seddax sano ka hor, si ay u caawiyaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan