Charles Tayler: UK hala i dhaafiyo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Charles Taylor

Madaxwaynihii hore ee Liberia Charles Taylor ayaa furaya dacwad uu kaga cabanayo xidhitaanka lagu xidhay Britan isaga oo loohaysto xadgudubyo adaanaha ka dhan ah, waxaa uu sheegay in loo diiday xaquuqdii uu u lahaa in uu arko qoyskiisa.

Charles Taylor waxaa uu ku xukuman yahay konton sano oo xadhig ah, waxaa uu ku mutaystay kufsi, dil iyo caruur askar laga dhigay intii uu socday dagaalkii Sierra Leone..

Qareen kiisu waxa uu sheegay in xidhitaankiisa lagu xidhay Britan in ay meel ka dhac ku tahay xuquuqdiisii bainiiaadminimo sababtoo ah xabsigiisu waxaa uu aad ooga fogyahay Afrika wayna adagtahay inay booqdaan xaaskiisa iyo shan iyo toban caruur ah oo uu dhalay.

Qoyskiisuna waxaa ay dal banayaan in uu xabsigiisa ku qaato wadanka Rwanda.