Wariyayaal Aljazeera oo la xukumay

Lahaanshaha sawirka b
Image caption Wariyayaasha caalamka ayaa taageeraya soo daynta wariyayaasha.

Maxkamad ku taala Masar ayaa xukuntay saddex wariyayaal oo ku xirnaa Masar lix bilood. Waxaa lagu xukumay ugu yaraan toddobo sanno.

Waxaa lagu eedeynayaa inay war been ah faafiyeen oo la shaqaynayeen xisbiga Akhwaan Muslimiin.

Wariyayaasha waxaa ku jira Peter Creste, oo u dhashay Australia horayna uga tirsanaan jiray BBC.

Ra'iisalwasaaraha Australia Tony Abbott, ayaa si toos ah uga codsaday Madaxweyne Cabdul fitax al Sisi in la sii daayo Pter Creste. Saddex kale oo wariyaal ah oo aan maxkamada joogin ayaa lagu xukumay toban sanno