John Kerry oo la hadlaya hogaanka Ciraaq

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maleeshiyada ISIS ayaa qabsaday magaalooyin badan Ciraaq.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa wadahadal u jooga Ciraaq. Waxaa la filayaa inuu ku baaqo samaynta dowlad loo dhan yahay iyadoo maleeshiyada Suniyiintaay qabsanayaan meelo badan waqooyi galbeed Ciraaq.

Wuxuu la kulmay Ra'iisalwasaaraha Ciraaq Nouri al Maliki, wuxuuna wadahadal la yeelanayaa hogaamiyayaasha Suniyiinta, Shiicada iyo kurdiyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq Hoshyar Zebari, ayaa BBC u sheegay inuu filayo dowlad cusub oo loo dhan yahay in la sameeyo.

Maleeshiyada sunniyiinta ayaa qabsaday garoon milatari oo muhiim ah magaalada Tal Afar. Magaalada ayaa waxaa ku yaala jidka ka imaanaya xaduuda Suuriya ilaa magaalada labaad ee Ciraaq ee Masul.