Xabad joojin laga gaaray Yarmuk

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qaxootiga Yarmuk

Dalka Suuriya, heshiis xabad joojin ah ayaa laga gaaray xerada go'doonsan ee Yarmuk ee ku taalla caasimada Dimishiq.

Heshiiskaasi ayaa la filayaa in uu yareeyo dhibaatada haysata kummanaanka qof ee ku xaniban xeradaasi.

Xerada Yarmuk ayaa noqotay goob astaan u ah dhibaatada ka taagan dalka Suuriya.

Waxaa xerada muddo sanad ku dhow ku go’doonsan dad tiradooda lagu qiyaasay 18 kun oo qof, kuwaasi oo ay isu biirsadeen noolal xumo iyo duqeyn joogta ah.

Waxaa xerada ku yar cunnada, biyaha iyo dawada.

Nuqulka heshiiska ayaa dhigaya in xayiraada laga qaado xerada, hubka culusna laga saaro, isla markaana adeegyada asaasiga ah dib looga hirgaliyo.

Xabad joojin horay looga gaaray xerada ayaa bur burtay.

Waxa ay noqonaysaa guul muhiim ah, haddii ay dhinacyada oo dhami ka dhigaan xerada Yarmuk, mid dagaalka ka caadan oo nabad ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan