South Sudan oo Soomaaliya ka liidato

South Sudan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption South Sudan waxaa ka socda dagaal qabiil ku salaysan

Koonfurta Suudaan oo ah wadanka adduunka ugu da'da yar ayaa galay kaalinta koobaad ee wadammada fashilmay.

Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin uu sanad walbo soo saaro ururka uu fadhigiisu yahay Maraykanka ee loo yeqaano Fund For Peace.

Soomaaliya oo lixdii sano ee u dambaysay kaalinta koobaad ku jirtay ayaa sanadkan gashay kaalinta labaad.

J. J. Messner oo ka mid ah mas'uuliyiinta kooxdaasi ayaa sheegay in dhibaatooyinka South Sudan ay yihiin ammaan darro wayn, madaxda oo kala qeybsan, iyo dagaallada qabiilka ku salaysan.

Lixda dal ee liiskaasi u horreeya ayaa dhaamaantood ka mid ah waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.