Xadidaad loo yeelay wadaadada Masar

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Masaajid la dhagaysanayo wacdi.

Masar ayaa ku dhawaaqday xadidaadyo dheeraad ah Ramadaanka wacdiska wadadaadada ay ka jeedinayaan masaajidka.

Sharciga cusub ayaa wadaadada ka hadlaya masaajidka, ayaa ah inay ka hadlaan oo kaliya diinta iyo waxa saxda ah iyo waxa qaladka ah.

Wasiirka diinta Endowments Mokhtar Gomaa, ayaa sheegay in wacdinta ay tahay inay isku soo dhawayso dadka, laakiin aysan kala qaybin.

Dowladda ayaa dhawaan soo saartay amar lagu mamnuucayo wadaadada aan ka haysan sharci dowladda, inay masaajidka iyo meelaha bulshada isugu imaadaan ay wax ka baraan.

Dowladda ayaa qaaday talaabo adag oo ay uga hortagayso awooda waddaadada la jira Akhwaan Muslimiinta, oo ah xisbiga madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi ee xukunka laga riday.