Islaamiyiinta Suuriya oo iska dilay kumanaan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalyahano ajnabi ah ayaa ku jira kooxaha islaamiyiinta ee ISIS iyo Nusra.

Urur xaquuqda bini'aa'danka u dooda ayaa ku qiyaasaya in toddobo kun oo maleeshiyo ay ku dhinteen dagaal u dhaxeeyay kooxaha islaamiyiinta tan iyo bishii Janaayo.

Ururka xuquuqda bini'aadanka ee Syria Observatory, oo London saldhigiisu yahay ayaa sheegay in in kabadan lix boqol oo qof oo rayad ah ay ku dhinteen dagaal u dhaxeeya kooxaha Nusra Front iyo ISIS oo sidoo kale ka dagaalama Ciraaq.

Labada koox ayaa ku dagaalamaya dhul iyo saldhigyo shidaal oo ay qabsadeen waqooyiga iyo koonfurta Suuriya.

Ilaa hadda in kadan boqol iyo lixdan kun oo reer Suuriya ah ayaa ku dhintay dagaalka tan iyo 2011-dii.