Indonisia oo jarta geedo badan sanadkii

Image caption Kaymo

Saynisyahanada ayaa sheegay markii ugu horaysay in Indonisia ay jarayso sanadkii geedo ka badan geedaha ay jarto Brazil.

Daraasaadka lagu sameeyay Maraykanka, ayaa ku qiyaasay in Indonisia ay ka jartay kaymo dhul dhan lixdan kun oo kilometer oo laba jibaaran, tan iyo markii uu qarniga uu bilowday. Dhulka ayaa le'eg waddanka Ireland.

Baarayaasha, oo ka socda Jaamacada Maryland, ayaa sheegay jarida geedaha inay keentay koror ku yimaada gaaska hawada gala iyo inay yaraadaan xaywaanka iyo dhirta adduunka ku nool.

Dadka dhirta jara ayaa sii wada jarida inkastoo la mamnuucay jarida kaymaha 2011-dii.