Dagaalka Tikrit oo socda

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada Ciraaq ee ka dagaalamaya Tikrit

Dagaal ayaa ka socda magaalada Tikrit ee Ciraaq, halkaasoo ciidamada dowladda ay isku dayayeen inay ka qabsadaan magaalada maleeshiyada Sunniyiinta ee ISIS dhowr maalmood.

Waxaa jira iska horimaadyo koonfurta magaalada banaankeeda, iyo weeraro diyaaradeed oo la beegsaday bartamaha magaalada.

Dagaalyahanada mucaaradka ayaa lagu soo waramayaa inay ku qaadeen weerar saldhig milatari waqooyiga Tikrit, waxaana dad goobjoog ah ay sheegeen inay qabsadeen saddex meelood laba meel saldhiga, inkastoo dowladda ay weerar diyaarad ku qaaday.

Milatariga Ciraaq ayaa beeniyay warar in mucaaradka ay dib u riixeen baabuur u soo gurmaday saldhiga.

Dhinaca kale Bomb la dhigay jidka ayaa dishay afar askari magaalada Baqdaad.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan