USA: Ha la iska ilaaliyo falal argoosi

Lahaanshaha sawirka Reuters

Xukuumada maraykanka ayaa cambaaraysay dilka wiil da'yar oo falastiini ah kaas oo laga afduubay bariga Qudus ka dibna maydkiisa la helay.

Warbixin laga soo saaray aqalka cad ayaa dilkaasi ku tilmaamtay mid laga noxo. Waxa lagu sheegay in maraykanka uu si dhow ula socon doono baaritaanada ku aadan dilka wiilka 17 sano jirka ahaa ee la oron jiray Mohammed Abu Khdair, waxayna ugu baaqday Israel iyo Falastiin in ay iska ilaaliyaan in ay ku dhaqaaqaan falal argoosi ah.

Raisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dilkaas ku tilmaamay mid aanan qiil loo helaynin. Dilka wiilka ayaa waxa uu dhacay maalin ka dib markii aas oo sameeyey sadex wiil oo Isra’iili ahaa kuwaas oo maydadkooda laga helay Daanta Galbeed.

Waxa isku dhacay dhalinyaro falastiin ah iyo booliska Isra’iill ee ka hortaga rabshadaha ka dib markii la helay maydka wiilka falastiiniga ah