Sarkozy oo Baaritaan lagu Bilaabay

Lahaanshaha sawirka .

Nicholas Sarzkozy ayaa hortagay maxkamda talaadadii waxan la bilaabay baaritaan rasmi ah oo ku aaddan eedeymaha loo soo jeediyey ee ah in uu lacago ka helay madaxweynihii hore ee Libya Muamar al-Qadaafi xiligii uu u tartamayey doorashada madaxweynanimo.

Waxa uu xirnaa muddo 15 saacadood ah. Waa markii ugu horaysay oo madaxweyne hore oo dalka Fransiiska ah la xiro.

Waxa sidoo kale baaritaan lagu bilaabay qareenkiisa Thiery Herzog.

Sarkozy, oo 59 sano jir ah ayaa waxa uu madaxweyne ahaa inta u dhaxeysay 2007- ilaa 2012-kii.