Qorshihii Britain ee Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters

Britain ayaa waxay dejisay qorsho lagu tababarayo, laguna qalabeynayo boqol kun oo ciidan oo ka qeyb gala dagaalka falaagada Suuriya kula jirto xukuumadda Bashar al-Asad, sidaasi waxa ogaaday Barnaamijka BBC ee Newsnight.

Qorshahaas oo ahaa mid qarsoodi ah, waxa la soo bandhigay laba sano ka hor sarkaalkii waqtigaa iyada ah ugu sareeyey milteriga Britain Jeneral Sir David Richards.

Waxa qorshahaas darsay Raisal wasaaraha UK, Gollaha Qaran ee ammaanka iyo sarakiisha Maraykanka, balse waxa la isla gartay in uu ahaa qorshe aad halis u ah.

Britain ayaa ka gaabsatay in ay jawaab ka bixisay baaritaanka uu sameeyey Barnaamijka Newsnight.

Dad xog ogaal ah ayaa BBC u sheegay in Jen. David Richards oo haatan shaqada ka fariistay uu aaminsanaa in qorshihiisan, haddii la meel mariyo uu gacan ka gaysan karo in la soo afjaro dagaalka sokeeye ee ka jira Suuriya.

Balse qorshahaasi ma aanu dhaqan gelin.