Jarmalka oo u Yeeray Safiirka USA

Lahaanshaha sawirka AFP

Wasaarada arrimaha dibeda ee Jarmalka, ayaa u yeertay safiirka maraykanka u fadhiya Jarmalka si uu jawaab uga bixiyo nin Jarmal ah oo ay xukuumaddu xirtay ka dib markii looga shakiyey in uu u basaasayey maraykanka.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in ninkan oo 31 sano jir ah uu ka tirsanaa wasaarada arrimaha dibeda, isla markaasna laga shakiyey in uu Maraykanka u gudbinayey maclumaad ku saabsan baaritaanka uu waday guddi barlamaani ah oo in muddo ah baarayey maraykanka oo dhagaysan jiray telefoonada hoggaamiyaha Jarmalka Angela Markel.

Waxaa la aaminsanyahay in ninkani uu maraykanka ka iibiyey in ka badan 200 oo dokumenti, waxaana laga shakinayaa in uu labada dhinacba u shaqeenayey.

Angela Markel, ayaa aad uga carootay markii ay soo baxeen maclumaad ku saabsanaa in laanta qaran ee sirdoonka ee marayanka ay dhagaysan jirtay telefoonadeeda.