Israa’iil oo markale weerartay Gaza

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gagida caalamiga ah ee Gaza oo uu quuq dul heehaabayo

Dowladda Israa’iil ayaa duqeymo dheeraad ah oo cirka ah ku qaadday Marinka Gaza, kaddib markii ay kooxda Xamaas gantaallo ku ganeyn Israa’iil.

Sagaal qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan laba carruur ah iyo haweeneey ayaa la sheegay inay wax ku noqdeen duqeynta.

Xamaas ayaa xilli horre sheegtay in xubnaheeda ay gantaallo ku ganeyn Israa’iil, kaddib markii ay ku eedeeyeen in Israa’iil ay dishay 5 ka tirsan dagaalyahanadeeda.

Israa’iil ayaa diiday eedahaasi, balse waxa ay sheegtay in 1,500 oo askarta keydka ah ay u yeertay.

Afhayeen u hadlay milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay isu diyaarinayaan rabshado sii ballaarta, kaddib markii ay kooxda Xamaas ee Falastiiniyiinta ay ku diray koonfurta Israa’iil toboneeyo gantaal.

Korneel Peter Lerner, ayaa sheegay in Israa’iil ay adeegsaneyso dhammaan qaababkeeda difaaca, si ay isaga caabiso gantaallada kaga imanaya kooxda Xamaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan