John Kerry oo booqanaya Afgaanistan

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in Afgaanistaan ay xalad adag marayso, loona baahanyahay in laxaliyo xiisada ka dhalatay doorashadii madaxweynanimo ee uu muranka ka dhashay.

Mr Kerry ayaa la kulmay labada dhinac ee ku loolamaya doorashada iyadoo dhinac walba uu sheegayo in uu ku guulaystay doorashada.

Inta uu ku guda jiro booqashadiisan ayuu Mr Kerry waxa uu doonayaa in uu la kulmo labaddii musharax ee ku murmay natiijada doorashada ee Abdullah Abdullah iyo Ashraf Ghani.

Mr Ashraf Ghani ayaa sheegay in uu aqbabalayo in codadkii la dhiibtay dib loo tiriyo.

Mr Ghani oo hogaaminaya wareegii labaad ee dooradhada ayaa sheegay in taasi ay caawinayso in la hubiyo sharciga isla markaasna ay kalsooni siinayso dadka reer Afgaanistaan.

Madaxwayne Hamid karazai ayaa xilka baneynaya ka dib mudo toban sano oo uu madaxweyne ka ahaa Afgaanistaan.

Maraykanka ayaa ka walaacsan wararka sheegaya in laga yaabo in la shaaciyo natiijo rasmi ah.