Faransiiska oo saldhig ka samaysanaya Chad

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ciidamada Faransiiska ayaa la dagaalamaya mintidiinta bartamaha iyo galbeedka Afrika.

Dowladda Faransiiska, ayaa ka dhisaneysa dalka Chad saldhig military oo muddo dheer hawlgalo qaas ah oo looga hortagaayo argagixisada gobalka Saaxil ee Africa.

Seddax kun oo askar ah ayaa ka howlgali doono saldhigaas, si ay uga hortagaan qatarta ka imaan karta muslimiinta xagjirka ah dhulka baahsan ee isku xira galbeedka Mauritania iyo bariga Chad.

Faransiiska ayaa ka wareejiyay howgalkiisa milatari Mali balse wuxuu ku reebi doono halkaas kooxo la dagaalamo argagixisada.

Wasiirka difaaca ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian, ayaa sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ee jooga Saaxil ay dhibaato weyn oo taagan ku hayaan ammaanka Europe.