Weerarka Qaza oo socda toddobaad

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ilaa toddobo iyo toboan kun ayaa u qaxay iskuulada Qaza.

Israel ayaa sii wada weerarka cirka iyo artilariga ee ay ku hayso Qaza maalintii toddobaad, inkastoo ay jiraan cadaadis caalami oo kordhaya. Sawaariiqda Israel lagu soo ridayo ee ka imaanaysa Qaza ayaa wali socota. Israel ayaa sheegatay inay soo riday diyaarad aan qofna wadin oo Xamas ay hawlgalisay iyadoo dulmaraysa Ashdod.

Sawaariiqda ayaa sidoo kale laga soo riday Labnaan iyo Suuriya, Israelna waxay ku jawaabtay artilari.

Falastiiniyiinta ayaa sheegay in in kabadan boqol iyo toddobaatan qof oo rayad u badan inay dhinteen.

Israel ayaa sheegtay inay samaysay wax walba oo awoodeeda ah inay yarayso qasaaraha rayadka, laakiin ay go'aan ku gaartay inay joojiso weerarka lagu haayo dadkeeda.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in toddobo iyo toban kun oo qof inay u soo qaxeen iskuuladoodii kadib markii Israel ay ku amartay inay ka baxaan guryahooda waqooyiga Qaza.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan