Libya oo codsaneysa taageero caalami ah

Image caption Qiiq ka soo baxaya garoonka Tripoli oo lagu dagaalamay

Dowladda Libya ayaa sheegtay inay ka fiirsaneyso inay codsato kaalmo caalami ah si loo soo afjaro dagaalka u dhexeeya malleeshiyaad ka iska soo horjeeda.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay lix kalana wey ku dhaawacmeen dagaal xaley saqdii dhexe ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Tiripoli.

Gantaallo ay isku rideen dhinacyada dagaallamay ayaa burburiyay taawarka laga hago diyaaradaha iyadoo diyaarado dhowr ay ku sugaanaayeen gudaha garoonka.

Macadda kooxda weerartay garoonka. Waxaa la sheegayaa tawarka burburay dhisidiisa inay qaadan karto dhowr bil, ayna ku bexeyso malaayiin dollar.

Garoonka ayaa xiran tani iyo maallintii Axadda taas oo sabab u ah dagaalka u dhexeeya kooxo ku hardamaya maamulka.

Dowladda ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo qalalaasaha, waxayna u sheegtay inay kooxahan ka fogaadaan garoonka ugu yarraan 20 kilomitir.

Qaramada midoobey ayaa kolhore sheegtay in xaaladda Libya ay tahay mid aan deganeyn waxayna kala baxday shaqaaleheeda.