Dagaal ka dhacay gegida diyaaradaha Kabul

Taliban Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Weerarrada ururka Taliban ayaa sii kordhay

Dagaal culus ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay gegida diyaaradaha ee magaalada Kabul, ee caasimadda dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan ururkiisa ay ka dambeeyaan weerarkaas.

Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ay maqleen dhowr qarax isla markaana ay arkeen qiiq ka baxaya garoonka.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan