Dhimashada Qaza oo dhaaftay 300

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption In ka badan saddex boqol ayaa ku dhimatay Qaza.

Israel ayaa sii wada weerarka cirka iyo ckan dhulka ee ay ku hayso Qaza. Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegay in in kabadan soddon qof lagu dilay Qaza maanta, iyadoo tirada dhimashada ka dhigtay in ka badan saddex boqol iyo soddon.

Laba askar Israeliyiin ah ayaa lagu dilay Qaza maanta. Falastiiniyiinta ayaa sii wada inay ku ridaan sawaariiq Israel. Mid ka mid ah sawaariiqda ayaa dishay nin Israel ah markay ku dhacday gurigiisa koonfurta Israel.

Ciidanka Israel ayaa sheegay inay heleen mintidiin jid dhulka hoostiisa kaga soo galaya Israel. Mid ka mid ah mintidiinta ayaa la dilay.

Milatariga ayaa sheegay in askari Israel ah oo ilaalo ahaa uu arkay kuna qasbay kooxdaasi inay dib u noqdaan, waxayna sheegeen in labo ciidanka israel ah ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale qoys falastiin ah oo ka kooban 8 caruur ah ayaa lagu dilay waqooyiga Qaza.

Khamis Sha'ah oo darawal ambulance ka ah Khan Yonis oo ku waayay dagaalkaas afar ka mid qoyskiisa ayaa sheegay mid ka mid ah gantaalada weerarada Israel inuu ku dhacay guriga walaakiis.