Qaza: Israa''il oo kordhisay duqeynta

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Weerarka Israa'iil ee Qaza

Dowlada Israa'il ayaa duqaymo dheeri ku samaysay marinka Qaza waxaana duqayntan u dambaysay ku dhintay shan qof oo Falastiiniyiin ah, War ay dowlada Isra'il soo saartayna waxaa lagu sheegay in meletriga Isra'il ay dhulka isku fidinayaan loogana hortagayo gantaalaha ay Xamaas soo ridayso.

Intii ay duqayntan socotay waxaa ku dhintay in ka badan 350 Falastiinyiin ah, Isra'ilna waxaa ka dhintay 7 qof oo ay ku jiraan labo qof oo shacab ah,

Qaramada midoobay waxay ka digtay xaalada ay ku sugan yihiin in ka badan konton kun oo shacab falastiinyiin ah oo aan gargaar haysan, kuwaasoo hada hoy iyo guryo ka dhigtay iskuulaad qaramada midoobay ay leedahay oo Qaza ku yaala.