Mucaaradka CAR oo diiday xabad joojinta

Image caption Rabshadaha CAR ee u dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta

Mucaaradka jamhuuriyadda bartamaha Afrika ayaa diiday heshiiska xabbad joojinta ee dhawaan la gaaray, waxayna sheegayaan inay doonayaan in dalka laba loo kala qeybiyo.

Taliyihii hore ee kooxda Muslimiinta ah ee Seleka ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka uu socon doono.

Gaanshaale sare Joseph Zoundeiko ayaa sheegay in ciidamadiisa ay diidayaan heshiiskii xabad joojinta ee isbuucan la isku raacay.

Waxa uu sheegay in wadahadalada ay ahaayeen kuwa aan isku dheellitirneyn oo ay ka maqnaayeen garab ka mid ah gaashaanbuurta Seleka.

Waxaa kaloo Gaashaan lahan uu sheegay inuu ku baaqayo in dalka la kala qeybiyo. Asigoo tilmaamay in dalkaasi iyo qarrannimadiisa ay u dhammaatay.

Waxa uu qiray inay sidegdeg ah ugu baahan yihiin in Jamhuuriyadda bartamaha Afrika ay kala noqoto Masiixiyiinta Koofurta iyo Muslimiinta Waqooyiga.

Hogaamiyayaasha siyaasadda ee labada dhinac ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan in wada xaajoodyada ay sii soconaayaan ayna yihiin wax loo baahan yahay, iyadoo dalkaasi uu soo maray bilo dagaallo ah.

Tobannaan kun oo qof oo Muslimiin ah ayaa kol hore ka qaxay dalkaasi. Waxaana maalin kastaa ka dhaco weeraro ay isku qaadayaan labada dhinac.

Gaashaanle Sare Zoundeiko ayaa ku eedeeyay Masiixiyiinta inay nabadda ka dhigeen mid aan suuragal ahayn. Mana uusan cadeyn sida saxda ah ee dalkaasi Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika loo kala qeybin karo.