Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciid Wanaagsan

Lahaanshaha sawirka
Image caption Waalidka ayaa kula ciidaya ilmaha meelaha ilamaha lagu ciyaarsiiyo Muqdisho

Gobolada Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa si weyn looga ciidey, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'isal wasaare Cabdi wali Sheekh Axmed Maxamed ay salaada ciida kula tukadeen dadweyne farabadan Masjidka Isbahaysiga.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la is cafiyo lagana shaqeeyo dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed oo uu yiri isaga ayaa horumar iyo nabad-ba lagu gaarayaa.

Weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aaden, ayaa ka waramaya Sida looga ciiday Muqdisho iyo gobolada dalka.